4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Guddoomiyaha Dhismaha Wadooyinka ee Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo la doortay


Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa loo doortay islamarkaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay in uu noqdo guddoomiyaha dhismaha Wadooyinka ee Rugta Ganacsiga ninka lagu magacaabo Farxaan Xusseen Xeydar.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xilka ay u soo xusheen ilaa 6 musharax, laakiin xog uruurin hoose oo ay sameeyeen ku ogaadeen in uu ugu codad badnaa Farxaan oo markii danbe kulan weynaha maanta ka dhacay Muqdisho leysku raacay in loo doorto xilkan.

‘’Xog uruurin hoose oo aan sameynay waxaan ogaanay in ganacsatadu raali ku ahaayeen, kuna aamineen xilkan qabashadiisa Farxaan Xusseen Xeydar oo maanta magaciisa ku soo bandhignay kulan weynaha, ayuu yiri’’ guddoomiye Gabeyre.

Doorashadan ayaa imaneysa kaddib markii uu horey isaga casilay xilkan guddoomiyihii horey  hayay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]