4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Yuusuf Daba-Geed : - Gobolka Hiiraan ma’aha meel lagu bar-barto dowlad-nimada

 

Sabti, October, 27, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ay xilalka kula wareegayeen mas’uuliyiin loo soo magacaabay maamulka degmada Beledweyne ayaa fariin u diray wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa khudbadiisa ku sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadlle in mar danbe gobolka u soo magacaabi karin sida uu hadalka u dhigay qof uusan la tashi kala sameynin maamulka gobolka Hiiraan.

‘’Hiiraan ma’aha meel dowladnimada lagu bar-barto, waxaan leeyahay Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeelle haddii uu mar kale soo magacaabo qof uusan annaga latashi nagala sameynin in aan dib ugu celin doono qofkaa uu soo magacaabay waa in uu sidaa ogaadaa Wasiirka ayuu yiri ‘’ Yuusuf Dabageed.

Guddoomiye Dabageed ayaa horay hadal kan aan waxbadan ka duwaneyn ka jeediyay munaasabadii uu xilka kala wareegayay guddoomiyihii isaga ka horeeyay xili uu goob joog ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle.

Khudbadiisa maanta ayaa muujineysa in guddoomiyaha aan wax wadatashi ah lagala sameynin mas’uuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay maamulka heer gobol iyo degmo oo lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Wasiir Caadlle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]