4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Soomaaliya: Hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha gobol caan ku ahaa wax dhoofinta

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Dhaqaalaha gobolka sagaalad ee Puntland ayaa hadda hoos u dhacay, arrinta oo loo sababeeyay muddooyinkii dambe bulshada gobolka oo caan ku ahayd wax dhoofinta inaysan dibadda waxba u dhoofin.

Gobolka oo dhaca bariga Puntland ee Garda Fuul , waxaa saameeyey dagaallada ka dhacay dalka Yemen, iyadoo ilihii dhaqaale ee gobolkaasi uu ku tirsanaa ,sida Maydiga, Beeyada, Xabakaha  iyo kalluumaysiga  oo loo iib gaynjiray  dalka Yaman oo haatan ay dagaallo ka socdaan  iyo waddamada khaliijka .

"Sanadkan ma jiro xabag dibadda loo dhoofiyay, arrintana waxay saameysay dhaqaalaha gobolka oo hoos u dhacay." ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Garda Fuul  ,Maxamuud Axmed Caynab.

Gobolka Garda Fuul , waa gobolkii u dambeeyay ee Baarlamaanka Puntland uu u ansixiyay gobol buuxa oo ay xaruntiisa tahay degmada Caluula.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]