4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Roobab ka da’ay Muqdisho oo saameeyey dadka barakacayaasha ah

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Roobab ka da'ay Muqdisho xalay ilaa subixii hore ee Sabtida maanta ayaa saameeyey dadka barakacayaasha ah.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha Muqdisho ayaa sheegay inay gabowga iyo dhibacda roobka ay dushooda ku dhammaatay xalay,iyagoo inta ku daray in ay ka qoyeen dhammaan dharkii, cuntadii iyo meeshii ay seexanayeen, sababtuna waxay tahay guryaha ay deggan yihiin oo ka sameysan cooshado aan biyaha celin karin.

"Ma helno guryo iyo gabaad aan ka galno roobka, maxaa yeelay waxaan ku jirnaa colashaddo." Nuurto Cali ayaa sida u sheegtay warbaahinta gudaha.

Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ayaa baaq u direy dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah oo ay ka dalbadeen in si dhow looga warhayo ,maaddaama xilli roobadka uu bilowyahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]