4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Cali Xaaji Warsame oo si weyn maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) - Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, doorashada dhacaysa horraanta sannadka 2019 ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Warsame oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya , waxaa  garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo  ku soo dhaweeyay nabadoonno, odayaal, culimo,siyaasiyiin, waxgarad, dhallinyaro, haween iyo qaybaha bulshada ee gobolka Mudug.

" Nimaan la aqoon ma ahi, barnaamijkeyga waan ka hadli doonaa .. Waxan qaban karo waan idin sheegaya, waxaan qaban karina waan idin sheegaya,waxaan aqoon waxaan la imaanaya haddaan xilka ku guuleysto cid taqaana." ayuu yiri musharrax Cali Xaaji oo barxadda bartamaha Gaalkacyo kula hadlay boqollaal ruux oo soo dhaweysay, wuxuuna ugu horreynba uga mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo.

Bulshada gobolka Mudug ayuu ku dhiirrigaliyay sida wanagsan ay uga shaqeeyeen nabadeynta gobolka ,gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo, isagoo ku baaqay nabadda ,wadajirka iyo walaalnimada si wadajir ah in loo adkeeyo.

Cali Xaaji, waxaa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkii toddobaadkan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, wuxuu sheegay dagaalka inay ku dhinteen tiro aan ka go'i karin bulshada Soomaaliyeed, "Anniga si gaar ah ayay geerida ii taabaneysa, 25% ayaan reer Mudug ahay, 75% waxaan ahay gobolka,waxaan uga baaqaya abitiyaashey, awoowayaashey inuu caqliga shaqeeyo oo nabad la qaaato, waxaana ballan-qaadaya colaadda daminteeda inan ka qaybqaato". ayuu yiri Cali Xaaji oo dhaqanka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo baxo joojinta colaadda gobolka Sool.

Sidoo kale, musharrixiinta iyo madaxweynaha xilka haya ee Puntland ayuu ugu baaqay in wadajir looga shaqeeyo sidii ay xasillooni doorashada ugu dhici lahayd, si isku mid ahna nabadda looga shaqeeyo.

" Puntland maanta waxay maraysaa marxalad muhiim ah, waxay leedahay taariikh, waxay leedahay hoggaan mid dhaqan iyo mid siyaasadeed,waxay leedahay miisan caalamka iyo Soomaaliya oo dhan... Puntland iyadaa sabab u ahayd calanka maanta Villa Somalia saaran inay taagto,iyadaa keentay in labo kun oo wiil inay ku duuganyihiin , xafiiska madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xafiiska ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre .. hoostooda labo kun oo wiil oo Soomaali ah ayaa ku duugan,waxay u ordayeen xornimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed calankii in la soo celiyo.. Puntland muhiimada ayaa laga rabaa." ayuu yiri gabagabadii.

Nabadoonno iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee soo dhaweynta musharraxa ka qaybgalay, waxaa ay si wadajir ah u sheegeen inay taageersanyihiin Cali Xaaji, waxaana ay ugu baaqeen Baarlamaanka wax dooranaya ee Puntland inay xilka madaxweynaha u doortaan Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame , oo doorashadii hore ee sanadki 2014 ka dhacday Puntland ka qaybgalay, waa markii labaad oo u xilka madaxweynaha Puntland isku soo sharraxo,iyadoo dhawaan la filayo ololahiisa doorashada oo guud ahaan Puntland laga dareemayo inuu gaarsiiyo gobollada kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online