4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo Muqdisho ka furmay

 

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) -Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ka furmay shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC,, iyadoo shirka si rasmi u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay oo shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ka furmo, taasoo ku timid dadaalo badan oo la sameeyay, isagoo tilmaamay waxqabadkii 18-kii bilood ee la soo dhaafay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC, sidoo kale shirka waxaa jooga oo khudbad ka jeediyay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Qatar

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay bishii September ee sanadkii 2007-dii,, waxaa shirkii u horeeyay ee kooxdaas yeeshaan uu ka dhinac furmay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ee ka dhacay New York.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]