4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Ciidamada Kenya oo dilay 24 ka tirsan dagaalyannada Al-shabaab

 

Sabti. October, 27, 2018 (HOL) - Ciidamada dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay 24 la tirsan xoogagga Al-shabab kaddib iska horimaad saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaanka Bilis Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xero ku taala deegaanka.

Dagaalka oo qaatay ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa ugu danbeyntii lagu dilay xoogagan ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kale ciidamada Kenya ayaa iska horimaadka ku furtay qaar ka mid ah hubkii ay ku dagaalamayeen kooxda weerarka soo qaaday, Dhinaca ciidamada Kenya waxaa dagaalka uga dhaawacmay saddex Askari.

Bilis Qooqaani ayaa ka tirsan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoos ayaa 70 km u jirta xadka Kenya, marar badan oo hore-na labada dhinac dagaalo ayaa ku dhaxmaray halkaa.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dhinaca Al-shabaab ay ka soo saareen dagaalkan la sheegay in looga dilay 24 xubnood. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]