4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab

 

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) -Hey’adda  Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa  ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay  ka bixiyay duqeyn Mareykanka ka fuliyayi Khamiistii ina dhaaftay  oo ku beegneyd 25 October deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan oo ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa lagu beegsaday gaari ay saarnaayeen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Xubin sare oo Al-Shabaab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed, Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabka”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA.

Lama sheegin magaca shaqsigan lagu dilay duqeyntan, hase yeeshee war saxaafadeed shalay ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Kuunyo Barow lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay gaari ay wateen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]