4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2018
Amaanka magaalada Muqdisho oo siweyn loo adkeeyay

 

Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Ciidamada Amaanka ayaa xiray dhamaanba isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana siweyn loo adkeeyay guud ahaanba amniga caasimada oo uu maanta ka furmo shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Waxaa xiran Isgoysyada Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale, dhamaantood marka la eego muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma’aha wax ku cusub shacabka reer Muqdisho xirnaashiyaha jidadka magaalada Muqdisho marka ay jiraan shirarka noocan oo kale ah iyo munaasabadaha taariikhiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]