4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2018
Dowladda oo mar kale maamul gobolleedyada ka dalbatay xisaab celin

 

Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale looga codsaday maamul goboleedyada inay soo dhameystiraan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ee ka midka aheyd taageerada dowladdu siiso maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in si xushmad leh uga codsatay labo jeer loo diray Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada inay dalabkooda soo gudbiyaan oo ku saabsan isticmaalka lacagihii horay loogu diray.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay si dhow ula shaqeyneysay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada si ay u diyaariyaan xisaab celinta laga rabo.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay wasaarradda Maaliyada :

 

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]