3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2018
Madaxda Qaranka, guddoonka Aqalka sare iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saaray dirirta G Sool

 

Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka saree Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanada Dhumay,  Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda,wuxuuna tacsi u diray eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dagaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in xilligan la daadiyo dhiig shacab badalkii nabada laga shaqeyn lahaa,wuxuuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka u joojiyaan,islamarkaana wax walba ku xaliyaan miiska wada hadalka.

“Waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkii ku dhammaaday deegaanka Dhumay,waa nasiib daro in xilligan dagaal sokeeye oo dad walaalo ah u dhaxeeyo soo cusboonaado,waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka sare oo hadalkaan ka jeediyay shirka Guud ee Golaha Aqalka sare oo maanta ka dhacay xarunta Golaha.

Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda ayaa ugu Garaadada, Madax dhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kulankii maanta xildhibaannada ka akhriyey qoraal ku saabsan dagaalka ka socda gobolka Sool;“Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu aad uga xunyahay colaadda soo noqo-noqotay ee beelaha walaalaha ah ee koonfurta gobolka Sool, goluhu waxuu ugu baaqayaa beelaha walalaalaha inay degdeg u joojiyaan colaaddan, guluhu wuxuu codsanayaa ismmada, culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay degdeg ugu howl-galaan sidii loo joojin lahaa isla markaana loo nabadeyn lahaa beelahaasi wada dega koonfurta gobolka Sool, ugu dambeyntii goluhu wuxuu soo-jeedinaya xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada inay kaalin mug leh ka qaataan

Dowladda Federaalku ayaa waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/24/2018 2:17 PM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale looga codsaday maamul goboleedyada inay soo dhameystiraan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ee ka midka aheyd taageerada dowladdu siiso maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

10/24/2018 7:18 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ka dhacay Muqdisho ay ku qabteen xubin Al-Shabaab ah oo khabiir ku ah dhanka Qaraxyada.

10/24/2018 7:04 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL)–Burcadan oo dhacooda u adeegsan jiray Mooto Bajaaj ayaa waxaa gacanta ku dhiggay oo qabtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah raggan toogasho lagu dhaawacay.

10/24/2018 1:38 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

10/24/2018 1:29 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL)–Maxamed Cabdullaahi oo ah muwaadin Soomaali ah maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka isaga oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka gabar cadaan oo dhacay 14kii bishan.

10/24/2018 1:06 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab saddex ilaaladiisa ah oo la socday kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Lafoole oo ka tirsan gobolka Bakool.