4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2018
Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhiggay xubin Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada

 

Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ka dhacay Muqdisho ay ku qabteen xubin Al-Shabaab ah oo khabiir ku ah dhanka Qaraxyada.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka NISA howlgalkan ayaa dhacay 23-kii bishan October oo shalay ku beegneyd.

Ma jirin faah faahin kale oo laga bixiyay howlgalkan oo lagu tilmaamay inuu qeyb ka ahaa dadaalada lagu sugayo amniga, loogana hortagayo maleegayaasha qaraxyada.

Ciidanka Amniga, ayaa maanta oo ku beegan 23-ka Octoobar, kasoo qabtay X-koontarool xubin ee AS ah oo khabiir ku ah qaraxyada. Holwgalkaan wuxuu qeyb ka yahay dadaalada lagu sugayo amniga. Aan si wadajir ah uga hortagno qarax maleegayaasha.#NISA

— NISA (@HSNQ_NISA) October 23, 2018

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale barta Twitter-ka NISA ka sii dhiggo qoraal ka hadlaya xubno ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay, hasse ahaatee Al-shabaab wali kama aysan hadlin sheegashada NISA.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]