3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2018
Ciidamada dowladda oo gudaha Suuqa Bakaaraha ku qabtay koox burcad ah

 

Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Burcadan oo dhacooda u adeegsan jiray Mooto Bajaaj ayaa waxaa gacanta ku dhiggay oo qabtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah raggan toogasho lagu dhaawacay.

Raggan ayaa labo ka mid ah u suur-tagashay ciidamada dowladda in ay gacanta ku dhiggan, waxaana uu mid ka mid ah ku dhaawacmay howlgalka ciidamada.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Maxamed Tuulax ayaa sheegay howlgal ciidamada Booliska sameeyeen kaddib lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo labo ka mid ah koox burcada ah.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waayadii ugu danbeeyay cabasho ba’an ka muujinayay tuugo dhac u geystay goobaha gacansiga suuqa iyo dadka u soo dukaameysi taga intaba, hasse ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgalo ay kula dagaalamayaan Burcada.

Labada ruux ee la qabtay ayeey ciidamadu ku soo bandhigeen meel fagaaro ah, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay gaarigii ay dhaca u adeegsan jireen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/24/2018 2:17 PM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale looga codsaday maamul goboleedyada inay soo dhameystiraan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ee ka midka aheyd taageerada dowladdu siiso maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

10/24/2018 9:29 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka saree Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanada Dhumay,Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda,wuxuuna tacsi u diray eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dagaaladaasi.

10/24/2018 7:18 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ka dhacay Muqdisho ay ku qabteen xubin Al-Shabaab ah oo khabiir ku ah dhanka Qaraxyada.

10/24/2018 1:38 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

10/24/2018 1:29 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL)–Maxamed Cabdullaahi oo ah muwaadin Soomaali ah maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka isaga oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka gabar cadaan oo dhacay 14kii bishan.

10/24/2018 1:06 AM EST
Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab saddex ilaaladiisa ah oo la socday kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Lafoole oo ka tirsan gobolka Bakool.