4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2018
Trump : Waa in la ciqabaa cid kasta oo ka danbeysay dilkii Jamaal Khashoggi

 

Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu isna sheegay inuu Mareykanku ciqaabayo ciddii ka dambeysay dilka wariye Jamal ” iney fiisaha dal ku galka kala laabaneyso 21-ka qof ee la shaaciyey ee falkan looga shakiyey.

Mareykanka ayaa wuxuu beesha caalamka kala kulmayaa cadaadis xooggan oo loogu baaqaya iney dabciso xiriirka ay la leedahgay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay marar badan dilka Khaashuqji iyo waxa ku dhacay ay ka soo saareen warbixinno iska horimanaya. Toddobaadyo waxay ku andacoodaan inuu nool yahay Khaashugji, waxay ugu dambeynti boqortooyadu qiratay wariye Jamal Khaashugji oo 59 jir ah inuu ku dhintay hawlgal naxariis darra ah xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Mr Pompeo oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa wuxuu sheegay, inuu madaxweynaha uu xaaladda ku faraxsaneyn.

“Mareykanka uma dul qaadan doono ayuu yiri dilka arxan darrada ah ee loo geystay wariye Jamal Khaashuqji in la qariyo lagana aamuso.”

Madaxweynaha Turkigu Reccep Tayip Erdogan wuxuu sheegay in dilka saxafigaas la sii qorsheeyey oo aysan ahayn arrin si kama’ ah ku dhacday, wuxuuna dalbaday in dadkii ka dambeeyey dilkiisa loo soo gacan galiyo, si maxkamad loogu saaro Turkiga.

Waddamada adduunka ugu hodansan ee dhanka warshadaha horay uga maray ayaa ayagana ka dalbaday Sacuudiga inay si buuxda u sheegaan sidii saxafiga Jamaal Khaashuqji loogu dhex dilay qunsuliyadda ay boqortooyadu ku leedahay magaalada Istanbul.

Tallaabo ka mid ah culays xoog leh oo beesha caalamka ka imaanaya ayaa hadal ay soo saareen dalalka la isku yiraahdo G7 waxay Sacuudiga weydiisteen inuu sharraxaad ka bixiyo geerida Khaashuqji, taasoo keentay su’aalo badan oo aan weli jawaab loo hayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]