4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2018
Sarkaal Al-shabaab ka tirsanaa iyo ilaaladiisa oo lagu dilay gobolka Bakool

 

Arbaco, October, 24, 2018 (HOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab saddex ilaaladiisa ah oo la socday kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Lafoole oo ka tirsan gobolka Bakool.

Sarkaalka la dilay oo magacaabiisa lagu sheegay Macalin Diiroow ayaa intii uu socday howlgalka sidoo kale waxaa ay ciidamadu ku soo furteen Afar qori oo nuucooda uu yahay AK-47, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda federaalka.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii weerar kadis ah ciidamadu kala kulmeen xoogag ka tirsan Al-shabaab xili ay ciidamadu ku jireen howlgal amaanka lagu xaqiijinayay oo laga waday deegaanno hoostaga gobolka Bakool.

Ilaa iyo hadda Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]