4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Aqalka Sare : Xukuumadda waan ka helnay jawaabtii aan ka sugey-nay

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Kaddib kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ka soo jawaabtay baaqii golaha ee ahaa xal u helida khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka soo jawaabtay farrimaha ku aadan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiirro ah oo Aqalka sare kala shaqeyn doona xal u helida khilaafka kala dhaxeeya dowladda maamul gobolleedyada dalka.

Guddoomiyha golaha Aqalka sare ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyey Jawaabta ay ka siiyeen siddii xal loogu heli lahaa is afgaran waaga u dhaxeeya dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyadda.

“Waxaan marka hore mahad u celineynaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo na soo siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku hawlgalno, waxaan rabnaa in aan ka shaqeyno siddii dalkeenu u gaari lahaa nabad, wadashaqeyn iyo midnimo”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha Aqalka sare.

Inkastoo Aqalka sare uu soo dhaweeyay magacaabistan haddana lama oga dhinaca kale sida ay u soo dhaweyn doonaan madaxda maamul gobolleedyada guddigan ay xukuumadu u soo saartay xal u helida khilaafka labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]