4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Dadaallo Nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka Dhumay ee gobolka Sool

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) -Dagaalkan oo galaaftay in ka badan lixdan ruux ayaa weli ka soconaya duleedka tuulada Dhumay oo galbeed kaga beegan Laascaanood ilaa 40 Km

Dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalkan ayaa saacadihii u dambeeyey ka soconaya degaano kala duwan oo Laascaanood ka mid tahay.

Garaad C/laahi Maxamed Guuleed ayaa HOL u sheegay in aanay suuragal ahayn iyadoo ay xabadi socoto in ay aadaan, balse ay diyaar u yihiin sidii ay markale isugu deyi lahaayeen, waxaanu baaq u diray labada dhinaca.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Sool ayaa noo sheegay in ay talaabo qaadayaan soo afjarta, waxaanu xusay in aan loo dulqaadan karin.

Dagaalkan ayaa barakiciyey kumanaan qoys oo degaano kaladuwan deganaa oo ay ka mid tahay Dhumay, Dharkayn, Sabataag iyo degaano kale oo maalmihii nabadaynta ka dib isu soo dhowaansho iyo wada degitaan ka bilaabmeen.

Isbitaalada Laascaanood ayaa dhamaantood la dalaa dhacaaya badbaadinta dhaawaca oo haatan tiradiisu gesmatey, iyadoo qaad badana haatan ay jidka ugu sii jiraan magaalada Hargeysa.

Lama saadaalin karo dagaalkan isagoo ah dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ee abid soo mara, waxaase su'aalo badan ka imanayaan waxa lagu kala xukumi doono maadaama uu noqon doono xiligii lixaad ee arintan guurti u fadhiisato.

Seynab Cabdi Warsame

 [email protected]  

Laascaanood