4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Ra’iisul wasaare Khayre oo Wasiirka Difaaca Ku Amary Dardar-gelinta Isla-xisaabtanka, Qorshaha Dib-u-dhiska Ciidanka Iyo Xoraynta Dalka

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –  Ra’iisul wasaaraha , Xasan Cali Khayre  oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan loona soo af-jaro ficillada gurracan ee ay wadaaan kooxda ku shaqaysa aragtida loo soo dhiibay ee lacagta iyo dhaqaalaha badan ka sameeysa daadinta dhiigga birimagaydada,sida u sheegay.

"Kooxaha argagaxisada waxay ka been sheegayaan diinta.. Diinteennu ma ogala in carruur la dilo ama qarax lagu soo xiro, haddii ay dhab ka tahay diinta ay sheegayaan iyagu ha is qarxiyeen, inta ay carruurta u adeegsanayaan." ayuu yiri Ra'iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciidda Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla-xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan soo af-jaridda cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]