4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Baydhabo oo ay isugu tagaan musharixiin madaxweyne iyo loolan siyaasadeed oo soconaya

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –Olole doorasho iyo loolan siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay isugu tageen musharixiin u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhici doota 17ka bisha November ee sanadkan.

Musharixiinta qaarkood ayaa la leeyahay waxaa ay taageero xoogan ka heystaan dowladda federaalka, halka kuwa kalana iskood u sharaxan yihiin, waxaa sidoo kale loolanka qeyb ka ah madaxweynaha xiliggan ee Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Shalay waxaa gaaray Baydhab musharax Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ah wasiir iyo xildhibaan ka tirsan dowladda dhexe, iyadoo tagistiisa Baydhabo ay badashay guud ahaanba jawiga magaalada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay far-galin buuxa ku heyso doorashada, islamarkaana Baydhabo u dirtay hub iyo ciidan la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada.

Musharixiinta waxaa ka mid ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay dowladdu uga mamnuucday in doorashada uu ka qeybgalo, laakiin wali waa musharax, isaga oo iska diiday go’aanka dowladda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhinaca kale lagu yaaqaanno in uu yahay shaqsi galaangal fiican u leh siyaasada marka ay jiraan xaalada noocan oo kale ah, ayaa markan cadaadis xoogan kala kulmi doona musharixiin dhowr ah oo laga yaabo in ay awoodooda isugu geeyaa meel kaliya.

Halka shiishka musharixiintu uu wada saaran yahay ayaa ah xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ah kuwa ugu danbeeya ee lagu kala baxayo maalinta codbixinta, waana tan keentay in musharixiinta qaar-kood goor horeba sii bilaabaan xodxodasha xildhibaannada.

Doorashadan ayaa noqo doonto mid xiiso leh oo si gaar ah isha loogu wada hayo madaama ay isku arki doonaan musharixiin kala siyaasada iyo ajande duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]