3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo maanta la soo gabagabeynayo

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka Wadatashiga madaxda dowlad gobolleedyada ee magaalada Garoowe.

Kulanka oo soconaya maalintiisii Saddexaadii ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana Madaxda maamuladaas oo khudbado ka jeediyay shirka ay eedeyn kulul ugu soo jeediyeen dowladda Federaalka.

Madaxda maamul goboleedyada afarta ah ayaa khudbadahooda diirada ku saarayay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana ay ku eedeeyeen dowladda Dhexe in ay faragelin ku heyso maamul goboleedyada oo ay dooneyso in awoodda maroorsato

Maanta ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War murtiyeed, iyadoo horay shirkii Kismaayo ee bishii hore war murtiyeed ay ka soo saareen xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka.

Kulanka magaalada Garoowe waxaa ka maqan oo aan ka qeybgalin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo siyaasad ahaan u muuqda in ay kala weecdeen madaxda kale ee dowladda gobolleedyada dalka kaddib markii uu ku dhawaaqay bishii September ee sanadkan in uu heshiis la gaaray dowladda dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/23/2018 4:51 PM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Kaddib kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ka soo jawaabtay baaqii golaha ee ahaa xal u helida khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.

10/23/2018 11:35 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL)-Ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin, ayaa warar soo baxaya sheegayaan in lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

10/23/2018 9:27 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun”

10/23/2018 8:07 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL)-Dagaalkan oo galaaftay in ka badan lixdan ruux ayaa weli ka soconaya duleedka tuulada Dhumay oo galbeed kaga beegan Laascaanood 40 Km

10/23/2018 7:37 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka soo horjeestay qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ganacsatada looga dalbanayay in ay bixiyaan lacago loogu tala galay dhismaha Wadooyinka oo dhawaan la joojiyay.

10/23/2018 7:24 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartey dagaal beeleed dib uga soo cusboonadey shalay deegaanka Dhumay oo 45 km xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood.

10/23/2018 7:08 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha , Xasan Cali Khayre oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin calooshood u shaqeestayaasha, arxanlaawayaasha, diin-laawayaasha ah ee gumaada caruuta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

10/23/2018 6:12 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Dad ka badan 15 ruux oo ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Dhumay 45 km xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ayaa goor dhow la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo,sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

10/23/2018 5:28 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –Guddiga oo ka kooban Afar Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa magacaabay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, iyaga oo kala shaqeyn doona Aqalka sare xalinta khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

10/23/2018 5:27 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Shirka hal abuurka teknoolojiyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ,iyadoo ay ka qaybgalayaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

10/23/2018 5:06 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Dawladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay buundada adduunka ugu dheer ee badda laga sameeyo, taas oo gaaraysa 55 km.

10/23/2018 4:55 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) –Olole doorasho iyo loolan siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay isugu tageen musharixiin u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhici doota 17ka bisha November ee sanadkan.

10/23/2018 4:33 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Shir weynaha 18-aad ee la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ay ka qaybgalayaan 1,200 qof oo matalaya in ka badan 50 dal ayaa galinkii dambe ee Isniintii shalay ka furmay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

10/23/2018 1:33 AM EST
Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Deegaanka Dhumay oo ka tirsan gobolka Sool waxaa wali ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed, waxaana dagaal shalay ka dhaxmaray labada dhinac ku dhintay in ka badan 30 ruux.