4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Xiisad wali ka taagan deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Sool

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Deegaanka Dhumay oo ka tirsan gobolka Sool waxaa wali ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed, waxaana dagaal shalay ka dhaxmaray labada dhinac ku dhintay in ka badan 30 ruux.

Ilaa iyo hadda ma jirto waan waan laga dhax wado dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana ay dadku mar walba filan karaan dagaal rogaan celin ah oo mar kale dhaxmara maleeshiyaadka is hor fadhiya.

Waxgaradka gobolka Sool oo qaarkood ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool, islamarkaana la damiyo xiisada colaadeed.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay iyagu ka danbeeyaan dagaal beelleedkan ka socda qeybo ka mid ah gobolka, waxaana ay dhinaca kale ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaalka, laakiin wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]