4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Wararkii ugu dambeeyey dagaal laba beelood ku dhex-maray koonfurta degmada Laascaanood

 

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) -Dagaalkan oo soo bilaabmay saakay hiirtii ayaa weli la sheegayaa in uu degaano kaladuwan ku faafay iyadoo aanay jirin wax dadaal nabadeed ah oo dagaalkan lagu joojinayo.

Ilaa hada ma jiraan cid si dhab ah u sheegi karta khasaaraha dhabta ah, waxaase isbitaalada Laascaanood la soo gaadhsiiyey 21 qof sida uu Gudoomiyaha degmada Laas-caanood C/casiis Xuseen uu HOL u sheegay.

Gudoomiyuhu waxa uu dagaalkan ku timaamay mid nasiib dark ah, in aanay jirin cid haatan ku hawlan in ay xabada joojiyaan.

Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Laas-caanood oo aan la xidhiidhnay ayaa sheegay in waqtiga sidan oo kale ah ay ciidan ka awood badan oo keliya ay tahay waxaa xabada joojin kara.

Illaa hada lama sheegi karo qasaaraha dhabta ah ee naf iyo maalba iyadoo weli uu dagaalku soconayo wixii ka soo kordhana dib ayaan idinkala wadaagi doonaa.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood