4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Cabdicasiis Lafta Gareen oo Baydhabo u tagay si uu isugu sharraxo xilka madaxweynaha Koonfurgalbeed

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ,halkaas oo la filayo inuu kaga dhawaaqo musharraxnimada xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay ,Lafta Gareen inuu ka mid yahay musharrixiinta ugu cad cad ee ka qaybgalaya doorashada ka dhacaysa Koonfurgalbeed,waxaana lagu tilmaamay saaxibka doorashada uga qaybgalaya dowladda federaalka.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa la sheegay inay socdaalka ku waheliyaan wasiir Cabdicasiis Xasan , oo si diirran laagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Tagidiisa Baydhabo ayaa ku soo aaday xilli galinkii dambe ee shalay ay gaartay magaalada Baydhabo diyaarad sidey gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaalo la sheegay inuu leeyahay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Cabdicasiis Lafta Gareen , ayaa marka uu ku dhawaaqo musharrixnimadiisa wuxuu lumin doonaa kursigiisa xildhibaanimo iyo xilka wasiirka ee xukuumadda Soomaaliya,iyadoo siyaasigan lagu xasuusto go'aankii uu qaatay waqtigii ay socotay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo u ka mid ahaa musharrixiintii isku soo sharraxay,isagoo waqtiga iska casilay xil wasiir ku-xigeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]