4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Wararkii ugu dambeeyay shirka Garoowe uga socda Madaxda maamul Gobolleedyada

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo u shalay uga furmay kulanka afaraad ee madasha wada-tashiga.

Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada ee Jubbaland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxaa u socda kulamo gaar gaar ah oo ay warbaahintu dibad joog ka tahay .

Madaxda ayaa ka doodaysa qodabbadii shalay shirka looga hadlay iyo kuwii ka horeeyay ee ay isla meel dhigeen .

Shirkan ayaa la filayaa in maalinta berri ah la soo gaba gabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ka kooban dhor qodob.

Ammaanka xarunta Puntland ee Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,iyadoo ciidamo dheerad ah lagu arkayay tan iyo xalay goobaha ay joogaan hoggaamiyayaasha iyo xarunta uu shirka ka socda ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]