4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi: Dowladda federaalka ayaa dhaqaale ku bixineysa dhaq dhaqaaqyada ka socda Cadaado

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Xildhibaan, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inay dhaqaale ku bixineyso dhaq dhaqaaqyada ka socda Cadaado.

Fiqi, oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka federaalka ee laga soo doorto Galmudug ayaa sheegay dowladda inay dooneyso sidii Galmudug ay u geyn lahayd madaxweyne la-saaxib ah, isagoo inta ku daray dowladda federaalka inay burburineyso heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug.

"Madaxdda Villa Soomaaliya waxey xoog iyo maalgalin ku bixiyeen in heshiiskii madaxtooyada lagu saxiixay ay doc-faruuraan, Galmudugna laga abuuro fawdo iyo qas, loona caleemo saaro madaxweyne madaxda Villa Soomaaliya ay af duubteen." ayuu yiri Xildhibaan, Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan ayaa sidoo kale ka soo horjeestay doorashadii dhawaan ka dhacday Cadaado oo xildhibaanno Galmudug ka tirsan ay ku doorteen madaxweyne, waxaa kalo oo uu eedeyay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka oo u sheegay inay hurdo ku jirto oo ay muddo ka aamusneyd xaaladda ka taagan Galmudug.

Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka maamulka Galmudug ayaa sababay in hay'adaha maamulka ay labo u kala jabbaan,iyadoo labada dhinac ee ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb ay sameeyeen doorashooyin iyo xil ka qaadis iska soo horjeeda, taasoo jahwareer badan keentay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]