3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Ku dhawaad 20 ruux oo lagu dilay dagaal beelleed ka dhacay gobolka Sool

 

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Ku dhowaan 20 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dhumay oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dad ku dhow tuulada Dhumay ayaa HOL u sheegay in salaada subax ay maqleen dhawaqa rasaasta ee ka dhacaya halkaas.

Ciidamada duulaanka ku galay Dhumay ayaa ka mid ah laba beelood oo sanadihii u dambeeyey dagaal ku dhexmarayey oo todobaadkii tegey la dhameeyey.

Dadka dhintay oo aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn inta ay yihiin waxaase dad kala duwan sheegaan in ku dhowaan Labaatan ruux dhinteen.

Labadan Beelood oo illaa shan jeer la dhameeyey colaadooda ayaa dhowaan si dhib leh lagu soo dhameeyey balse waxa illaa haatan dadku isweydiinayaan sababta duulaamkan oo kii ugu weynaa ah uu ku yimi.

Wararka ugu dambeeyey waxa ay soo dawinayaan in ay ciidamo xoogle ku sii qulqulayaan degaankaas oo laga cabsi qabo dagaalo lagu riiqdo, weli kama hada maamulka gobolka iyo madaxda dhaqanka midna.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood













Click here
10/22/2018 11:05 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Soomaaliland abaabulka dagaallada ku soo noqnoqday gobolka Sool,kaddib dagaal ay dad badan ku dhinteen oo maanta ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta magaalada Laascaanood.

10/22/2018 9:54 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL)-Dagaalkan oo soo bilaabmay saakay hiirtii ayaa weli la sheegayaa in uu degaano kaladuwan ku faafayo iyadoo aanay jirin wax dadaal nabadeed ah oo dagaalkan lagu joojinayo.

10/22/2018 8:06 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee ku shirsan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay eedeymo culus,iyagoo ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso.

10/22/2018 7:02 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiimtahay in la beddelo qorshaha lagu raadinayo xasilloonida iyo nabadeynta Soomaaliya.

10/22/2018 6:41 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ,halkaas oo la filayo inuu kaga dhawaaqo musharraxnimada xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

10/22/2018 6:25 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir,kaddib markii qarax loo adeegsaday gaari uu burburiyay dhismaha xarunta bishii hore ee September.

10/22/2018 6:13 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Duqa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku sugan magaalada caasimadda ee Muqdisho,halkaas oo u uga qaybgalay shir caalami ah.

10/22/2018 6:00 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo u shalay uga furmay kulanka afaraad ee madasha wada-tashiga.

10/22/2018 5:50 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Xildhibaan, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inay dhaqaale ku bixineyso dhaq dhaqaaqyada ka socda Cadaado.

10/22/2018 12:53 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Sacuudi Carabiya ugu baaqay inuu sharraxaad degdeg ah uu ka bixiyo dhimashada Jamal Khashoggi.

10/22/2018 12:30 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) –Kaddib kulan ku dhaxmaray magaalada Asmara ee dalka Eretria mas’uuliyiin ka kala soctay Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa ugu danbeyntii lagu kala saxiixday heshiis ka koobnaa dhowr qodob.