3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Sacuudiga oo laga dalbaday in faah faahin lagu qanci karo uu ka bixiyo dilka Wariye Jamal Khashoggi

 

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Sacuudi Carabiya ugu baaqay inuu sharraxaad degdeg ah uu ka bixiyo dhimashada Jamal Khashoggi.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen seeddexdaasi dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku dhintay "dagaal ka dhacay" qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno "caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo".

Madaxweyne Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay "in uu ku qanacsaneyn" sida arrinta loo dhigay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu wacad ku maray inuu mudda gaaban uu ku soo bandhigayo caddeymaha dhabta ee dilka wariyahaasi la xiriira.

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray inuu faafaahinta ku saabsan dilka Khashoggi uu Talaadada baarlamaanka la hor iman doono.

Dibadbax lagu qabtay Istanbul mar uu ka hadlayna wuxuu sheegay "waxaan raadineynaa ee iisu kaanna keenay waa caddaalad taa ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno."

Khashoggi wuxuu Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul uu galay 2-da bisha October si uu uga soo dhammeysto warqadda furriinka.

Sacuudiga inta ay dhimashadiisu qiranin ayeey marar hore sheegeen in uu Khashoggi isaga oo nabad qaba uu Qunsuliyaddooda uu ka baxay, iyaga oo marki dambana sheegay in uu qunsuliyaddooda uu ku dhex dhintay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/22/2018 11:05 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Soomaaliland abaabulka dagaallada ku soo noqnoqday gobolka Sool,kaddib dagaal ay dad badan ku dhinteen oo maanta ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta magaalada Laascaanood.

10/22/2018 9:54 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL)-Dagaalkan oo soo bilaabmay saakay hiirtii ayaa weli la sheegayaa in uu degaano kaladuwan ku faafayo iyadoo aanay jirin wax dadaal nabadeed ah oo dagaalkan lagu joojinayo.

10/22/2018 8:06 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee ku shirsan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay eedeymo culus,iyagoo ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso.

10/22/2018 7:02 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiimtahay in la beddelo qorshaha lagu raadinayo xasilloonida iyo nabadeynta Soomaaliya.

10/22/2018 6:41 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ,halkaas oo la filayo inuu kaga dhawaaqo musharraxnimada xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

10/22/2018 6:25 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir,kaddib markii qarax loo adeegsaday gaari uu burburiyay dhismaha xarunta bishii hore ee September.

10/22/2018 6:13 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Duqa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku sugan magaalada caasimadda ee Muqdisho,halkaas oo u uga qaybgalay shir caalami ah.

10/22/2018 6:00 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaasha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo u shalay uga furmay kulanka afaraad ee madasha wada-tashiga.

10/22/2018 5:50 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Xildhibaan, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inay dhaqaale ku bixineyso dhaq dhaqaaqyada ka socda Cadaado.

10/22/2018 4:07 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Ku dhowaan 20 ruux ayaa ku dhintay tuulada Dhumay oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

10/22/2018 12:30 AM EST
Isniin, October, 22, 2018 (HOL) –Kaddib kulan ku dhaxmaray magaalada Asmara ee dalka Eretria mas’uuliyiin ka kala soctay Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa ugu danbeyntii lagu kala saxiixday heshiis ka koobnaa dhowr qodob.