Isniin, October, 22, 2018 (HOL)
–Kaddib kulan ku dhaxmaray magaalada Asmara ee dalka Eretria mas’uuliyiin
ka kala soctay Itoobiya iyo Ururka ONLF
ayaa ugu danbeyntii lagu kala saxiixday heshiis ka koobnaa dhowr qodob.
Afhayeenka Ururka ONLF
Cabduqaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in qodobada leysku afgartay uu ka mid
ahaa qodob u ogolaanaya Jabhada ONLF in ay sii wada karaan halgankii iyo
ujeedooyinkii ay u halgamaysay.
Qodobkan oo si gaar ah su’aal looga
weydiiyay Cadaani ayaa sheegay in heshiisku dhigayo in ONLF si nabad-galyo ah u
sii wadan karto halgankii ay markii horeba ugu jirtay xoreynta deegaannada
Soomaali Galbeed, taasoo muujineysa in meesha laga saarayo in dagaal iyo colaad
lagu raadiyo xornimada iyo halganka Jabhada muddo dheerba ku soo jirtay.
‘’Qodobada waxaa ka mid ahaa in
la joojiyo colaada iyo in ONLF si buuxda u sii wadan karto si nabad galyo ah halgankii
ay ku jirtay iyo la magacaabo guddiyo labada dhinac ah’’ ayuu yiri afhayeen
Cadaani.
Dhinaca ONLF waxaa kulanka ku
matalayay xubno uu horkacayay guddoomiyaha guud ee Ururka Admiral Maxamed Cumar
Cismaan, halka dhinaca Itoobiya ay horkacayeen Wasiirka arrimaha dibedda,
Wasiirka Maaliyada iyo waliba madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.
Ma’aha markii ugu horeysay oo
Asmara ku kulmaan labada dhinac, hasse ahaatee heshiiska ay markan gaareen ayaa
u muuqda mid soo gabagabeynaya wada hadallo waayadii ugu danbeeyayba u socday
labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]