4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Maamulka Hirshabeelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne Cismaan Maxamed Qalaafoow.

Guddoomiyaha cusub ee degmada ayaa loo magacaabay in uu noqdo Maxamed Axmed Ibraahim Foodcade oo horay xilkan u soo qabtay.

Lama sheegin sababtay xilka looga qaaday guddoomiyihii hore, iyadoo horay sidan oo kale xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo lagu badalay guddoomiyaha xiligan xilka haya Yuusuf Axmed Hagar Dabageed..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]