Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Dowladda
Soomaaliya ayaa war deg deg ah ka soo saartay khilaafka kala dhaxeeya madaxda
dowlad gobolleedyada, kaddib war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha.
War ka soo baxay dowladda ayaa
lagu sheegay in weli ay sideedii tahay gogoshii uu fidiyay Madaxweynaya 8-dii
bishii September ee uu isugu yeeray maamul goboleedyada, si loo dhameeyo
arrimaha tabashooyinka ee jira.
Sidoo kale qoraal ayaa lagu yiri ‘’ Dowladda Federaalka, iyadoo ixtiraameysa
dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla waxay aaminsan tahay wadatashi, isla
tashi iyo isku tashi, iyadoo wixii khilaaf ee dhaca lagu xalinayo si
Soomaalinimo ah”
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ku
adkeyneyso in xal u helista arrimaha masiiriga ee dalka ay tahay mid u taalla
Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo hab ku saleysan wada tashi iyo isu
tanaasul, ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran madaxda Qaranka, heer
Federaal iyo heer maamul goboleed.
Warkan ka soo baxay wasaarradda arrimaha gudaha
ayaa imanaya kaddib markii guddoonka Aqalka sare uu dalbaday in jawaab deg deg
ah madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaruhu ka bixiyaan aragtidooda la xiriirta
khilaafka taagan.
Akhriso War-saxaafadeedka :
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]