4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Xaaf: Haddii Galmudug gubato ,Xamar nabad ahaan mayso

Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf)  ayaa u sheegay dowladda federaalka in Muqdisho aysan nabad noqon doonin haddii Galmudug ay "gubato" , isagoo ka hadlayay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee magaalada Garoowe maanta ka furmay.

Xaaf ayaa hoggaanka dowladda federaalka ku eedeyay inay ku hoggaaminayaan burbur ,wuxuu yiri " Sida ay wax ku socdaan Soomaaliya ma sii jireyso shanta bilood ee soo socota.. madaxda dowladda federaalka waxaan u sheegaya haddii gobolladu gubtaan gaar ahaanna Galmudug gubato walaan Xamar nabad ahaaneyn".

Madaxweynaha Galmudug, ayaa sidoo kale ku taliyay in madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ay dhisaan ciidamo u gaar ah si buu yiri looga maarmo dowladda federaalka.

" Waxaan ku dadaallayna in laga maarmo dowladda federaalka." ayuu yiri.

Hoggaamiyaha Galmudug oo cadaadis kala kulmaya qaar ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee maamulka oo  Cadaado ku doortay madaxweyne kale, ayaa inta ku daray in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020,waxa uu u sababeeyay in dowladda federaalka aysan taas diyaar u ahayn.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]