4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2018
Axmed Madoobe: Doorashada Jubbaland waxay ku dhaceysaa waqtigeeda

Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in doorashada Jubbaland ayna hal maalin daba maraynin wakhtigeeda 15-ka bisha 8aad sannadka 2019 ay ku dhaceyso.

Axmed Islaam, oo khudbad ka jeediyay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee maanta ka furmay magaalada Garoowe, ayaa inta ku daray in dhammaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ay ka go'antahay doorashooyinka in waqtigooda la qabto oo aysan jirin cid dooneyso inay waqti ku darsato.

Madaxweynaha Jubbaland, waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay in  ay faafisay daacayado been ah oo ay ku sheegtay in madaxda dowlad-gobolleedyadu ay muddo xileedkooda kordhinayaan.

Waxaa kalo u sheegay dowladda federaalka inay ku guul-darreysatay sugidda amniga dalka,isagoo shirka ka sheegay inuu qabo tuhan la xiriira in al-Shabaab ay dowladdu kula jirto gorgortan taas oo meesha ka saartay howlgalladii dalka lagaga xorrayn lahaa,sida u sheegay.

Dhinaca kale,Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan heshiisyadii la galay aysan waxba ka fulin qaarkoodna ay dowlada Federaalka ah isbedel ku samaysay kuwaas oo kala ahaa heshiiyada qaybsiga khayraadka amniga iyo doorashooyinka, wuxuuna sheegay in doorashada 2020 ayna qabsoomi karin waliba lagu hungoobi karo hannaankii qof iyo codka ahaa haddii dowladda Federaalka ah ayna badalin waddada ay dalka ku wado.

" Khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo Federaalka waxaa sal u ah qodobbo masiiri ah sida amniga waddanka qaybsiga khayraadka doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka." ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland oo inta ku daray "Haddii aan laga heshiin arrimaha koox kaliya sida ay doonto kama yeeli karto dalka ,mana dhici karto in aragtidooda iyo wixii ay jecel yihiin ku maamullan dalka."

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]