4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la ansixiyay

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban 27 xubnood, waxaa magacaabay guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed CabdulQaadir Shariif Sheekhunaa oo horgeeyay xildhibaannada si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la qaban doonaa 17 bisha November ee soo socota, waxaana ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Madaweynaha xilka haya Shariif Xasan Xasan.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]