3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Trump oo sheegay inuusan ku qancin sida dowladda Sacuudiga ay uga hadashay dilka weriye Jamaal Kaashogji

Axad, October, 21, 2018 (HOL)–  Madaxweynaha Marekanka,Donald Trump ayaa ka soo horjeestay sida ay xukuumadda Sacuudiga u shaacisay dilka wariye Jamaal Kaashogji.

Trump oo ah nin ku dhow qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa yiri "Aniga kuma qanacsani warbixinta,inta laga helayo jawaab cad" , isagoo inta ku daray inay suuragal tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uusan ka war haynin dilka weriyaha.

Madaxweynaha Marekanka, waxaa kalo uu muujiyay surtagalnimada cunaqabateyn dhanka hubka ah oo lagu soo roggo Sacuudiga balse wuxuu sheegay taas haddii ay dhacdo in dhibaato wayn ay u horseedeyso Mareykanka oo ka badan midda Sacuudiga uu la kulmi karo.

Sacuudiga, wuxuu hubka ugu badan ka iibsadaa dalka Marekanka.

Sacuudi Carabiya ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Mr Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso khaarajinta iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha qunsuliyada Istanbul.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
10/21/2018 2:28 PM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne Cismaan Maxamed Qalaafoow.

10/21/2018 1:55 PM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo booqday xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa uga tacsiyeeyay waxgaradka deegaanka weerarkii ay dadka ku dhinteen oo ay ku qaadaan xaafadda ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

10/21/2018 11:31 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Xildhibaan Maxamed Xassan Ibraahim Qoono oo xiriir la soo sameeyay Hiiraan Online ayaa si adag uga hadlay dil iyo barakacin sida uu hadalka u dhigay lagu hayo qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Nasteexo.

10/21/2018 10:51 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa war deg deg ah ka soo saartay khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada, kaddib war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha.

10/21/2018 10:25 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu dalka hogaamin Karin, isla markaana ku baaqay hadii uu xal ka gaadhi waayo khilaafka guddida doorashooyinka ay shir tallo qaran la iskugu iman doonno.

10/21/2018 8:20 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa u sheegay dowladda federaalka in Muqdisho aysan nabad noqon doonin haddii Galmudug ay "gubato" , isagoo ka hadlayay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee magaalada Garoowe maanta ka furmay.

10/21/2018 7:50 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in doorashada Jubbaland ayna hal maalin daba maraynin wakhtigeeda 15-ka bisha 8aad sannadka 2019 ay ku dhaceyso.

10/21/2018 7:49 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10/21/2018 5:44 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Kulanka afaraad ee golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

10/21/2018 5:28 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Madaxwaynaha Marekanka, Donalda Trump ayaa wariyayaasha u sheegay in Ruushka uu jabiyay heshiiskii 1987 ee dhanka niyukleerka oo ay horey u wada galeen dowladaha Ruushka iyo Mareykanka.

10/21/2018 5:15 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Koox hubaysan ayaa toogasho ku dilay labo macallin oo ka mid ahaa maamulka Iskuulka Al Furaat ee degmada Yaaqshiid,sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

10/21/2018 4:46 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa toddobaadkan ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

10/21/2018 4:36 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen dablay ku hubeysan bastoolado meel aan sida uga fogeyn saldhigga booliska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

10/21/2018 4:17 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayuu kaga dhawaaqay, Maxamuud Cabdi Yare (Gar-Libaax) inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa horraanta bisha Jannaayo ee sannadka 2019.

10/21/2018 3:44 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa la filayaa goor dhow inuu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

10/21/2018 3:17 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)-Wasiirka hore ee wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada Booliiska Soomaaliya dil iyo barakicin ku hayaan qaar ka mid ah dadka degan degmada Wadajir gaar ahaan degmada Nasteexo.

10/21/2018 1:35 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL)–Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in dowladda dhexe u muuqato in ay caga jiideyso wada hadal lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada oo horay ugu dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe.

10/21/2018 1:16 AM EST
Axad, October, 21, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya shaki durbaba qaar ka mid ah wadamada reer Galbeedku ka muujinayaan fasiraad Boqortooyada Sacuudiga ay ka bixisay habka uu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi .