4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Booliiska Soomaaliya oo lagu eedeeyay dil iyo barakacin ay ku hayaan qaar ka mid ah shacabka degmada Wadajir

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL)-Wasiirka hore ee wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada Booliiska Soomaaliya dil iyo barakicin ku hayaan qaar ka mid ah dadka degan degmada Wadajir gaar ahaan degmada Nasteexo.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku dileen xaafadda dad rayid ah kuwa kalana ku dhaawaceen, waxaana uu intaa ku daray in wax lala yaabo tahay in ciidamada Booliiska loo adeegsado dilka iyo barakicinta dad shacab ah.

’’Waa markii labaad oo ay arintani dhacdo, waxa falkan geysanaya waa taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Saadiq John iyo taliyaha qeybta Galbeed G/sare Qaasim, waxaa intaa dheer oo arin fool xumo ah in markii dadkaa la dilay lana dhaawacay kaddib haddana guryahoodii inta Cagaf loo keensaday la bur burinayo’’ ayuu yiri xildhibaan Cabdirisaaq.

Wuxuu sheegay in sababta ciidamada Booliiska ay sidaa u sameynayaa tahay in dad kale oo lacago laga qaatay la doonayo in dhulkaa lagu wareejiyo, isaga oo intaa ku daray in arrimaha noocaa oo kale ah keeni karaan cawaaqib aan wanaagsaneyn.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayuu sheegay in ay arintan ay kala hadleen, islamarkaana uu amar ku siiyay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed in ilaa sharci laga soo saarayo dadkaasi degennaadaan dhulka ay hadda degan yihiin oo ah Siliggii hore ee Ameerican-ka.

‘’Waxaa jira qoraalo ay horay u soo saareen madaxda dowladdihii hore ee dalka soo maray iyo guddoomiyayaashii hore ee gobolka Banaadir oo dhiggaya in dhulkaasi yahay dhul ay dowladda leedahay, haddii la sharciyeey-nayana xaq u leeyihiin dadka hadda degan oo dhulkaa ku noolaa ku dhawaad 30 sano ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee Amniga.

Cabdirisaaq ayaa ugu danbeyntii sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ku war-galinayaa in laga foojignaado colaad iyo cadawtimo hore leh oo bulshada laga dhax abuuro, lana joojiyo weerrarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]