4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday in uu jawaab deg deg ah ka bixiyo khilaafka xukuumada iyo dowlad gobolleedyada

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL) - Golaha Aqalka sare ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya in muddo saddex cisho uu jawaab uga bixiyo khilaafka kala dhaxeeya dowlad gobolleedyada oo bishii September ee sanadkan Kismaayo uga dhawaaqay in xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xukuumadda intaba la daaheen sida uu hadalka u dhigay muddadii looga fadhiyay in ay jawaab ka siiyaan aqalka sare khilaafka taagan sidaa daraadeed looga baahan yahay madaxweynaha in ilaa 22ka bishan uu jawaab deg deg ah bixiyo.

Wuxuu sheegay in marar badan oo hore  codsiyo ay u ujeediyeen madaxda dowlad gobolleedyada aqbaleen, gaar ahaan in ay dib u dhigaan shirkooda golaha watashiga, balse dhinaca xukuumadda laga waayay jawaabtii looga baahnaa.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleed-yada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe, halkaa oo ay ku yeelanayaa mid ka mid ah shirarkoodii caadiga ahaa ee watashiga, waxaana shirkan ka maqan madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay u sheegay in uu la heshiiyay dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]