4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Cabdiweli Gaas oo sharraxaad ka bixiyay sababta uusan shirka Garoowe uga qaybgaleyn madaxweynaha Hir-Shabeelle

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–  Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta Garoowe ku soo dhaweeyay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada,Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Galmudug ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta uusan Garoowe u tagin madaxweynaha Hirshabeelle.

Cabdiweli Gaas  waxa uu sheegay in madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Maxamed Cabdi Waare uu go'aansaday inuusan ka qaybgalin shirka madasha wada-tashiga.

''Waxba looma fasiran karo ee Waare isagaa gaaray go'aankaas xaqna waa uu u leeyahay go'aankiisa." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ay BBC-da waydiisay waxa loo fasiran karo maqnaanshaha Mr Waare.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa horay uga baxay go'aankii maamul gobolleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Docda kale, wuxuu ka warbixiyay madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada arrimaha ay uga hadlayaan kulanka afaraad ee madasha uga furmaya Axadda berri ah magaalada Garoowe, waxa uu sheegay in waxyaabaha ay diiradda ku saarayaan shirka ay ka mid yihiin, arrimaha aminga, dastuurka dalka, khayraadka iyo awood qeybsiga iyo doorashada dalka ka dhacaysa 2020-ka.

Shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada uga furmaya Garoowe ayaa ku soo aaday xilli khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada uu sii xoogeysanayay muddooyinkii dambe, tan iyo markii maamul gobolleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]