4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay eeddo xisbiyada mucaaradka ah uga yimid

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka jawaabay eeddo uga yimid labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, kuwaas oo ku dhaliilay khilaafka ka taagan in kala diro komishanka doorashooyinka oo ay ku dusha ka saareen madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay xisbiyadu is hayn balse xisbiga WADANI iyo Komishanka doorashooyinku is hayaan, waxaanu soo jeediyey in xisbiga WADANI maxkamada u gudbiyo wixii uu ka tabanayo komishanka, isagoo xusay in aanu awood u lahayn inuu kala diro komishanka doorashooyinka oo xisbiga WADANI isagu soo jeediyey in la kala diro.

“Hadii xisbiga WADANI ay komishanka doorashooyinka wax ka sheegteen maxkamada u banaan, hadii ay yidhaahdaan la shaqayn maayo dee anigu kaligay tartan gali maayo, xisbiga boqolkiiba afartan codka dadweynaha helay baanu ixtiraamaynaa ee ha isku noqdaan taageerayaasha xisbiga iyo madaxda xisbigu, anigu Komishanka ma kala eryi karo oo wakhti buu leeyahay waa wadadda ugu adag in la kala eryo komishanka doorashoyinka, marka la kala dirayo horta shakhsi shakhsi baa loo soo eedeynayaa oo qof qof baa loo eryi kara sida uu sharcigoodu dhigayo, haseyeeshee aniga waa iga diyaar doorashaddi”ayuu yidhi Biixi.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay labada xisbi mucaarad oo ku baaqay shir beelood haddii doorashaddii baarlamaanka iyo golaha deegaanku dib u dhacan, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay sidan “Shir beeleed saddexda gudoomiye ee aan ka midka ahay kii ku dhawaaqa waxa ka dhallan kara dambi sharci, xisbi qaran ee ku dhawaaqa waa khalad iyo dambi sharci jabin ah waayo waanu ka soo gudubnay marxaladaasi dadkuna saddexda xisbi ayey kaga baxeen qabyaaladda,”

Mar kale isago ka hadlay hadal ka dhashay deeq waxbarasho oo laga helay Itoobiya oo labada xisbi mucaarad ka hadleen waxa uu yidhi “Deeqdii waxbarasho ee gobolada loo qaybiyey waxa ka hadlay labada gudoomiye xisbi awal hore arday uun baa ka hadli jirtay hadii aanay xumaan u jeedin waxyaalaha nacda iyo xumaanta keenaya inay ka wareegaystaan bay ahayd, laakiin maaha inay iyagu ballada farta ugu fiiqaan marka wasiirka iyo sida wax loo qaybiyey intaad baadhaan wax ka waydiiya”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay kalmad shacabku ku xantaan oo loo bixiyey oo ah Handaraab, taas oo dadku ku eedeeyeen inuu dhaqaalihii iyo dalkiiba handaraab ku xidhay, waxaanu sheegay in handaraabku fiican yahay oo bahal walba guriga laga handaraabo, waxaanu tilmaamay inuu joojiyey dadkii uu la kulmi jirey ee xafiiska ku soo booqan jirey oo uu sheegay in wakhti badan kaga lumayo, taasina ay keentay magacan loo bixiyey ee handaraab.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.