4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Cadaado oo looga dhawaaqay madaxweyne cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaa looga dhawaaqay madaxweyne cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug oo loo doortay Axmed Maxamuud Xassan [Baasto]

Waa qeyb ka mid ah khilaafka waayadii ugu danbeeyayba ka dhax taagnaa maamul gobolleedka Galmudug oo hadda u muuqda mid labo garan u kala taagan, waxaana ay doorashadani imaneysa xili madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka mid yahay madaxda maamul gobolleedyada ee saacadaha soo socda shirka uga furmayo magaalada Garoowe.

Axmed Baasto ayaa la sheegay in uu ka guuleystay musharax kale oo xilkan kula tartamay oo lagu magacaabo Cabdixakiin Cali Guure, waxaana doortay ayaa la sheegay 52 xildhibaan, halka musharax kale uu helay 8 cod oo kaliya.

Hogaanka sare ee maamul gobolleedka Galmudug ayaa horay u sheegay in Cadaado ku sugan yihiin xildhibaanno aan ka badney ilaa 10 mudane, sidaa daraadeed aysan wax dooran karin, waxaana horay xilalka looga qaaday guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxamed Xaanshi Carabey.

Doorashadan cusub ee ka dhacday maanta Cadaado ayaa sii murjin doonta khilaafka maamulka dhaxdiisa ah oo hadda u muuqda mid yeelanaya labo madaxweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]