4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Shirka dowlad-gobolleedyada oo ka furmaya Garoowe

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Shirka madasha wadatashiga dowlad-gobolleedyada  Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka furmo   Axadda berri ah magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo, isagoo safar dhulka ah ku tagaya magaalada Garoowe.

Wali lama soo bandhigin ajandaha shirka, kaas oo ku soo aadaya xilli aan wali wax xal ah laga gaarin khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

Maxaa ka cusub shirka

Shirka dowlad-gobolleedyada oo horey loogu soo qabtay Baydhabo iyo Kismaayo ayaa markii ugu horreeysay waxaa martigalinaysa Puntland, iyadoo madasha uu guddoomiyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Madasha waxaa markii u horreeysay ka maqan madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, madasha shirka uu ka furmayo lama soo dhigin astaanta maamulka Hir-Shabeelle, halka sawirka hoggaamiyayaasha laga reebay Madaxweyne Waare.

Hoggaamiyaha Hir-Shabeelle ayaa ku gacan-sayray go’aankii madasha dowlad-gobolleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda federaalka, waana halka ay isku khilaafeen Waare iyo madaxda kale ee madasha.

Maamulladu waxay ku eedeeyaan fara gelin inay ku hayso dawladda dhexe, halka ay dowladda dhexe ay maamul goboleedyada ay ku eedeeysay wadashaqayn la'aan.Ismaandhaafkii ugu waynaa ee maamul gobleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ahaa kii ka dhashay khilaafkii khaliijka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]