4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Haweenka Somaliland oo madaxweyne Biixi ku dhaliilay in aanu xilalka uu magacaabay ku darin

 

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Haweenka Somaliland ayaa sheegay inay saluug weyn ka qabaan xilalka uu magacaabo madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo usoo jeediyey in haweenka lagu daro.

Haween ka kala yimid ururada bulshada Somaliland ayaa baaq u diray madaxweyne Biixi, isla markaana ku dhaliilay in xilalka uu magacabay haweenku ku yar yihiin, iyagoo ku dooday in haweenka Somaliland bulshada ka yihiin 55%.

“Waxaanu iskaga kala nimid qaybaha kala duwan ee bulshada, haweenku saluug bay ka muujiyeen xilalka uu magacaabo madaxweyne Muuse Biixi oo dhinac u badan, waxaana dadka soo kiciyey magacaabistii u dambaysay oo ahayd 19 qof oo guddiyo kala duwan u magacaabay ayaanay ku jirin qof dumar ahi, waxaana ugu baaqaynaa in la tixgaliyo dumarka oo bulshadda qayb weyn ka ah.”ayey ku baaqeen haweenku.

“Iyadoo haweenku ka yihiin bulshada boqolkiiba shan iyo konton, isla mrkaana ah cida ololaysa ee soo doorta mdaxweyne kasta oo qaranka Somaliland hogaamiya hadana ma helin xaqii dastuuka Somaliland siiyey, waxaanu ugu baaqaynaa in haweenka xaqooda uu ilaaliyo”ayey qoraalkooda raaciyeen haweenweynaha Somaliland.

Dhowaaqa haweenka wuxuu ka dambeeyey 19 xil oo uu dhowaan madaxweynuhu magacaabay oo iskugu jira guddiyo kala duwan ayaan lagu soo darin qof haween ah, taas baa keentay inay cabashadooda kor u qaadaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.