4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Ingiriiska oo beeniyay inuu taageerro ciidanka Liyuu booliska

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Xukuumadda Britain ayaa markii ugu horreeysay beenisay inay taageerro siiso ciidamadda gaarka ah ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loogu  yeero Liyuu booliska,sida lagu sheegay war ay baahisay safaaradda Britain  ee magaalada Addis Ababa.

Britain , ayaa warkan sheegtay kaddib kulan horraantii toddobaadkan uu la yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida,Mustafe Cumar Maxamed madaxa barnaamijka horumarinta Ingiriiska,Christian Rogg, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan dib u habayn lagu sameeyo amniga deegaanka iyo waliba bidhaaminta wararka sheegaya in UK taageerro maaliyadeed siisay ciidamadda Liyuu booliska.

"Dowladda Ingiriiska marnaba horey uma siinin haddana ma siineyso taageerro dhinac kasta ah ciidamadda Liyuu Booliska." ayuu yiri afhayeen u hadlay safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa.

Afhayeenka , waxaa kalo u sheegay mashruucii hore looga fuliyay deegaanka inuu salka ku hayo arrimo la xiriira dhinacyada bulshada ,gaar ahaan horumarinta baahiyaha kala duwan ee shacabka,sida waxbarashada ,caafimaadka iyo tababarida sharci yaqaanno dadka u shaqeeya.

Warkan ayaa ku soo aaday ,kaddib markii maalmihii u dambeeyay la hadal-hayey in Ingiriiska uu dhaqaalo ku kabay ciidamadda Liyuu booliska, kuwaas oo gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha lagu eedeyay, inkasto madaxweynaha deegaanka Mustafe Cagjar uu ballanqaaday in eedeymaha uu wax ka qaban doono.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]