Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlay Ardey Soomaaliyeed oo ku xanniban dalka Turkiga
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–
Wasiirka wasaarrada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ardey Soomaaliyeed
ah ku xanniban yihiin dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa sheegay in
arintan ardeydaasi u xanniban yihiin tahay kaddib markii ay ay dowladda Turkiga
diiday aqoonsiga Jaamacadaha ay ardeydaasi ka soo baxeen, isaga oo arintaa ku
tilmaamay nasiib darro.
‘’Waa arin nasiib darro ah oo
ku dhacday ardeyda Soomaaliyeed in loo diiday in ay sii wataan waxbarashada
heerka labaad ee Jaamacada, kaddib markii la diiday aqoonsiga Jaamacadaha ay ka
soo baxeen ee gudaha dalka Soomaaliya’’ ayuu yiri Goodax.
Ardeydan ayaa markii horeba u
aaday dalka Turkiga diyaarinta heerka labaad ee waxbarashada Jaamacada, laakiin
waxaa muuqata in ay caqabad kala kulmeen waxbarashadoodii hore oo dowladda
Turkigu ka soo qaaday waxba kama jiraan.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada
Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa
sheegay in Jaamacada ka dhisan dalka aysan soo buuxin heerkii iyo sharuudihii
Jaamacad looga baahnaa sidaa daraadeed aysan aqoonsaneyn wasaarrada
waxbarashada, taasoo keentay in uu xilkiisa ku waayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]