4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Jaamacadda UPEACE hoostagta QM iyo Machadka SDRI oo kala saxiixday heshiis Waxbarasho


Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Jaamacadda caalamiga ah ee University for Peace (UPEACE) oo hoos tagta Q/Midoobay oo kaashaneysa Machadka daraasaadka & Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI) ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay barnaamij Waxbarasho sare oo loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan ardayda dhameysata waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadaha dalka.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii labada dhinac ay 14kii bishii August ee sanadkan 2018 kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhigaya in Jaamacadda University for Peace ay bixiso illaa 11 taqasus iyo labo Maado oo lagu bixinayo shahaadada sare ee Phd-da, iyadoo la kaashaneysa Machadka SDRI.

Munaasabad lagu daah-furayey barnaamijkan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan, iyadoo sidoo kale lagu soo dhoweynayey dufcadii ugu horeysay ee isku diiwaan gelisay qeybaha Waxbarashada heerka labaad (Master Degree) iyo heerka saddexaad (Phd) kuwaasoo tiradoodu gaareyso 150 arday oo isugu jiray hablo iyo wiilal.

Agaasimaha Machadka SDRI Maxamed Cismaan oo furitaankii xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay markii ugu horeysay iney dalka timaado Jaamacadda University for Peace oo uu xusay iney tahay Jaamacad caalami ah oo ay leedahay QM.

“Kadib dedaal muddo badan socday oo ay sameysay SDRI waxaan ku guuleysanay in markii ugu horeysay aan dalka keeno Jaamacada UPEACE oo bixisa shahaado caalami ah oo ay aqoonsan yihiin dhamaan heyadaha UN-ka, si ay uga faaiideystaan ardayda dalkeena ee Jaamacadaha dhameystay” ayuu yiri agaasimaha oo ku dheeraaday qaabka ay ku wada shaqeyn doonaan heyadiisa SDRI iyo Jaamacada UPEACE.

Ambasaddor C/llaahi Odowaa oo ah danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona dalka Kuwait, kana mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka qelin jebiyey Jaamacadda UPEACE xarunteeda dalka Costa-rica oo isna hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in ardayda ka baxday Jaamacadaha dalka ay heystaan fursad dahabi ah maadaama ay dalkooda xarun ka furatay Jaamacada UPEACE, wuxuuna xusay iney jiraan dalal Somalia ka horumarsan oo aan weli fursadan helin, isagoo ugu baaqay ardayda Soomaaliyed iney ka faaiideystaan.

Guddoomiye ku-xigeenka dallada Jaamacadaha Soomaaliyeed (SomaliREN) Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabada hadalo ka jeediyey ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan iskaashiga waxbarasho ee dhexmaray Machadka SDRI iyo Jaamacada UPEACE oo uu sheegay inuu xoojinayo horumarinta iyo kobcinta bahda tacliinta ee dalkeena.

“Heyadaha UN-ka ee dalka jooga shaqaalahoodu waxay u badan yihiin dad ajnabi ah, ardayda ka faa’ideysata barnaamijkan waxay heystaan fursadaha ugu wanaagsan ee ay uga mid noqon karaan howlwadeenada heyadahaas, maadaama ay heystaan shahaado ay bixisay Jaamacad ay leedahay Qaramada Midoobay” ayuu yiri Dr. Dalmar oo bogaadiyey dedaalka iyo iskaashiga ay sameeyeen labada heyadood.

Waxaa ugu dambeyn munaasabadaas ka hadlay Prof. Samuel Kale oo ah madaxa Afrika u qaabilsan Jaamacadda UPEACE oo xusay iney ku faraxsan yihiin markii ugu horeysay in Jaamacadiisu ka howlgasho Somalia, isagoo ka mahad celiyey sida dalka loogu soo dhoweeyey wuxuuna xusay in Jaamacaddan ay tahay mid aqooneed oo aan wax shaqo ah ku laheyn Siyaasad.

“Jaamacadda University for Peace (UPEACE) waxaa la asaasay 5tii bishii Disembar sanadkii 1980kii ka dib go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobay, xarunteeda dhexe waxay ku taalla dalka Costa-rica, waxayna xarun goboleedyo iyo faracyo ku leedahay dalal badan oo ku baahsan caalamka, qeybta Afrika ee aan madaxda ka ahay xarunteeda waa Addis ababa, waajibaadka nala siiyey waxaa ka mid ah xoojinta awooda Jaamacadaha Afrika, dhinaca aqoonta, Cilmi-baarista iyo arrimaha bulshada” ayuu yiri Prof.

Samuel Kale oo intaa ku daray inuu ku faraxsan yahay heshiiska iskaashi ee dhexmaray jaamacadiisa iyo heyadda SDRI, isagoo balan-qaaday in ardayda la siin doono aqoon tayo sare leh iyo shahaado aqoonsi caalami ah heysata.

Masuuliyiinta Jaamacadda UPEACE iyo heyadda SDRI ayaa ugu dambeyn si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda iyo aqoonyahanada ka qeyb galay Munaasabadaas oo ku soo dhamaatay jawi farxad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]