4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Ganacsatada Soomaaliyeed oo ka walaacsan mamnuucida isticmaalka gaadiidka laga kaxeeyo Midigta

 

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in guud ahaan-ba dalka ka mamnuuceyso ka ganacsiga iyo adeegsiga gaadiidka laga kaxeeyo dhinaca midigta [right-hand drive] iyadoo marka la eego 80% gaadiidka laga isticmaalo Soomaaliya yihiin kuwo dhinaca midiga laga kaxeeyo.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa HOL u sheegay in dhaqan-galinta qorshahan la bilaabayo ilaa horaanta bishan October, laakiin horay sida uu kale loo mamnuucay isticmaalka gaadiidkan, laakiin mamnuucidaasi ma noqon ayuu yiri mid dhaqangasha.

‘’Arrintan waxa loo sameynayo waxaa ugu horeeya nabad-galyada jidadka, iyo in ay meesha ka baxaan shilalka badan, waana tan keentay in aynu go’aanka qaadanno’’ ayuu yiri wasiirka.

 

Shircigan cusub ayaa u muuqda mid aan saameyn toos ah ku yeelan doonin gaadiidka horay dalka loo keenay ama hadda ka dhax shaqeeya, laakiin waxaa uu sharcigan u muuqdaa in uu ka hortagayo in dalka la keeno gaadiid kale oo ah nooca [ Midiga laga kaxeeyo]

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa siweyn uga walaacsan sharcigan cusub ee lagu mamnuucayo gaadiidka Isteerin Midigta ah, waxaana marka aad tagto goobaha lagu iibiyo nooc-yada kala duwan ee gaadiidka kuu muuqanaya in tirada ugu badan yihiin kuwa u sameysan dhinaca Midigta oo ah kan ay hadda dowladdu mamnuucday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]