4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo Muqdisho laga taageeray


Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Munaasabada lagu taageerayay Musharaxnimadad Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabada oo ay ka qeybgaleen Aqoonyahannno., Haween iyo Dhalinyaro ayaa lagu qabtey magaalalda Muqdisho .

Waxaa munaasabada ugu horeyn ka hadlay Maxamed Cali Nuur oo ka mid ahaa Gudigii qabanqaabada Munaasbadda lagu taageerqayey musharaxnimada Mukhtaar Roobow waxaana uu sheegey in u jeedka loo qabtey xafladda ay tahay Codsi ka yimd Bulshada Koonfur Galbbeed si ay u muujiyaan taageerada Mukhtaar Roobow  Cali Abuu Mansuur.

Suldaan Abuukar Cabdi oo ku hadlayey magaca Salaadiin Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegey in la joogo xiligii la dooran lahaa Mukhtaar Roobow isagoo ugu baaqey Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay doortaan Mukhtaar Roobow oo horey u balan qaadey in deegaannada Koonfur Galbeed ku soo dabaali doono Amni iyo Cadaalad

Suldaan Iikow Cabdi Nuur ayaa cod Dheer waxaa uu ku yiri   “Waa  waqtigii uu booska uu Baneyn lahaa   Shariif Xasan sidaa darteed Xildhibaanada Koonfur Galbeed  waxaa u soo jeedinayaa  in Codkooda Siiyaan Mikhtaar Roobow Cali oo ah Shaqsi Badbaadin kara Beelaha ku nool Deegaanada Koonfur Galbeed”

Caaqil Bilow Cabdiraxmaan, Malaaq Mukhtaar Abiib Aadan, Ugaas Aadan Biid oo ka Hadley Munaasabada lagu Taageerayey Musharax Mukhtaar Roobow ayaa waxay sheegeen in Dhibaatooyin badan ay qabaan Bulshada ku nool Koonfur Galbeed sidaa darteed Mukhtaar waa Shaqsi si weyn ula socda dhibaatooyinka iyo Xaaladaha ka taagan Deegaanada marka waxaan u soo jeedineynaa xildhibaanada in ay doortaan Mukhtaar Roobow.

Xildhibaan Dubad Maxamed Dhaqane kana mid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegey in Musharaxnimada Mukhtaar Roobow ay Timid Xiligii loo baahnaa marka waxaan kula dardaarmayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay Doortaan si loo badbaadiyo bulshada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Siyaasi Ibraahim Aadan Ibraahim iyo iyo Xasan Khaliif Xasan oo la taliye ka ah wasaarradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta oo goobta ka Hadley ayaa sheegay in Mulkhtaar Roobow uu yahay shaqsi xiligaan hogaamin kara Bulshada Koonfur Galbeed islamarkaana uu yahay mid isku keeni kara dadka ku nool Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in xilgaan ay heystaan Daruufo adag oo [sugu jira mid amni iyo dhaqaalaha.

Ruuneey Cali Gaduud oo ku hadleysey Magaca Haweenka Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegtey in Bulshada ay waqtigaan u baahan yihiin Mukhtaar Roobow maadaama Siyaasiyiinta Xilgaan Hogaamiya Koonfur Galbeed ay ku Fashilmeen in ay wax ka qabtaan Dhibaatooyinka is biirsadey ee ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed.

Gabagabadii waxaa munaasabada ka hadlay Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa gudigii qabanqaabada Munaasbada lagu taageerayey Musharax Mukhtaar Roobwo abuu Mansuur waxana uu kula dardaarmey bulshada Koomnfur Galbeed in ay u Guntadaan sidii loo dooran lahaa Mukhtaar Roobow iyadoo intii ay socotey Munaasbada waxaa Halkaas lagu soo bandhigey Heeso lagu amaanayeey Mulkhtaar Roobow

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]