4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo magacaabay guddoonka jaaliyadda dowlad-gobolleedka ee Waqooyiga Ameerika

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hir-Shabeelle ,Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horreeysay magacaabay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeenka jaaliyadda Hir-Shabeelle ee waqooyiga Ameerika.

Guddoomiyaha jaaliyadda ayaa loo magacaabay, Maxamed Ciise Wardere (Mudey) halka gudoomiye ku-xigeenna loo magacaabay Cali Cabdalla Adawe,sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle.

Magacaabiista ayaa la sheegay inay ka dambeysay, kaddib markii maamulka uu arkay baahi loo qabo abaabulka iyo mideynta jaaliyadda Hir-Shabeelle ee waqooyiga Ameerika, halkaa oo ay ku noolyihiin jaaliyad ballaaran oo Soomaali ah.

Guddoonka cusub ee jaaliyadda Hirshabeelle ayaa xilka loo magacaabay si kumeel-gaar ah u heyn doona,tan iyo inta laga gaarayo jaaliyadda inay iska dhex doortan guddoon.

Maamullada kale  ee dalka ka dhisan ayaa jaaliyaddo ku leh waqooyiga Ameerika ku waa oo udub-dhexaad u ah bulshadda qaybaheeda kala duwan iskuna xira jaaliyadda dibadda iyo kuwa ku nool gudaha.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Onilne
[email protected]