4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Booliiska Itoobiya : Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu isku dayay in uu baxsado

 

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Maxkamada gacanta ku heysa kiiska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu wargaliyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiggii lagu hayay.

Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex yaalla xarunta booliska.

Balse waxaa la sheegay in uu jabiyay muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa isaga oo tillaabadaasi uu qaaday uga dan lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado.

Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay "inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banneysto".

Horay qoyska Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu eedeeyay ciidamada gacanta ku haya amniggiisa in ay kula kacaan jirdi xoog leh, hasse ahaatee taliska ciidamada Booliiska Itoobiya warkaa waa ay beeniyeen.

Maxkamada ayaa siisay laamaha amniga 10 cisho oo dheeraad ah oo baaritaan lagu sameeyo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar ee ah in uu isku dayay in uu baxsado in in uu rabshado abuuray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]