4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Taliyaha Xoogga dalka oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)-
Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Taliyaha ayaa soo dhaweyn kadib waxa loo galbiyay aqalka martida ee Jubbaland, halkaa oo uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Jen. Indha-qarshe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu u yimid si uu kormeer ugu sareeyo islamarkaana u ogaado xaaladda dhabta ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad oo taliskeedu yahay magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in taliskan uu yahay mid muhiimad gaar ah leh, islamarkaana ciidamada ka tirsan taliska ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta qeybo ka tirsan Jubbaland, sidaa darteedna ay doonayaan in ay u kuurgalaan xaaladda ciidanka iyo baahiyahooda.

Horaantii bishii July ee sanadkan ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha Kismaayo laga celiyay Jen. Cali Max’ed Maxuud (Bogmadoow) oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacoowday taliska qeybta 43-aad, kaasoo ay dowlad goboleedka Jubbaland sheegtay in aan lagala tashan magacaabistiisa, wallow uu markii danbe ka dagay gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.