Culimada Soomaaliyeed oo ka hortimid xeerka Qoyska oo ay soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Culima’udiinka
Soomaaliyeed ayaa ka hor yimid kuna tilmaamay mid ka hor imanaya shareecada
Islaamka xeer Qoyska oo ay soo bandhigtay wasaarradda haweenka xukuumadda
Soomaaliya.
Arrinta doodda ugu weyn dhalisay ayaa ah da’da
qaangaarka iyadoo shareecada Islaamku cadeysay in da’da qofka muslimka ah uu yahay 15 sano, halka
sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano.
Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa
sidoo kale qaba in da'da qaan gaarka ay tahay 18 sano.
War saxaafadeedka laga soo saaray kulanka
culumada oo ka dhacay masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa lagu akhriyay qodobbo
ku jira xeerka oo si toos ah uga hor imaanaya ayaado quraan ah.
Bayaanka culimada waxaa aqriyay Sheekh
Cabdiqaadir Yuusuf oo yiri: "Hindise sharciyeedka ay soo diyaarisay
wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaankan - ee sugaya in Ia ansixiyo
, wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa shareecada islaamka ee ay umadda Soomaaliyeed
dhammaantood aaminsanyihiin".
"Wuxuu uga hor imaanayaa dhaqanka suuban ee
islaamka arrimo dhowr ah, sida inuu weerarayo guurkii rasuulkeenna Muxammad
CSW, kuna tilmaamayaa xadgudub.
Qodobka 27aad ee xeerka oo ku saabsan guursi
carruur, wuxuu u qoranyahay sidan:
•Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi
carruur ah, haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaan gaar ahayn.
Faqradda 3aad ee qodobka 27aad ayaa u qoran
sidan:
-Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan
qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana
badneyd 15 sano".
Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray
bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira
xad gudubyada galmada.
Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo sii watay hadalkiisa
ayaa yiri: "Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi".
Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah
hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ciqaab muteysanayo qof walba oo galmo la
sameeya qof kale oo aan raalli ka ahayn.
"Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta
oo oggolaansho la'aan xiriir jinsi la sameeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin
labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo" ayuu yiri.
Dhanka kale, Culumaa'udiinka ayaa sheegay in
diiniyan ay bannaantahay guursiga gabdhaha aan qaan gaarin, balse dhaqanka
gogosha uu ku xiranyahay awooddooda.
Sida ku cad bayaankooda, gabadha ayaa la nikaaxin
karaa iyadoo aan qaan gaarin, inkastoo markaas ka dib tixgelin la siinayo iney
leedahay awood ku filan oo dhanka gogosha ah iyo in kale.
Mid ka mid ah daliillada ay war saxaafadeedka ku
soo bandhigeen culumaa'udiinka, oo ku qotoma qodobkaas ayaa ahayd in nabi
Muxammad CSW uu Caa'isha ku guursaday da'da 9 sano.
Iyadoo taas laga tix raacayo ayay hindise
sharciyeedka ku tilmaameen mid xad gudub ku ah Rasuulkii Alle, maadaama uu ka
soo hor jeedo arrin uu isaga sameeyay.
Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa horey bayaan
uga soo saaray sharcigan, waxayna sheegeen in sharciga wax dhimaal u yahay
diinta Islaamka.
Lama oga sida fariimahan ka imanaya culimada
Soomaaliyeed loogu dhaga-nuglaan doono iyadoo la og yahay arrimo dhowr ah oo
sidan oo kale horay culimadu uga hadleen leyska dhaga-mariyay.
Sharcigan hor yaala Golaha Shacabka ayeey culima'udiinku ka codsadeen xildhibaannada Baarlamaanka in aysan meel marin oo ay ka fiirsadaan.
BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]